Saldhigii Miletariga Ee Muqdisho Laga Hir-gelinayay Oo Saraakiil Talyaani ah Iyo Midawga Yurub Booqasho u Yimaadeen [SAWIRO]

0
28 February 2017 03:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigii Miletariga Ee Muqdisho Laga Hir-gelinayay Oo Saraakiil Talyaani ah Iyo Midawga Yurub Booqasho u Yimaadeen [SAWIRO]

    Muqdisho (Haleel) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta/SHALAY kulliyadda Jeneraal Kaahiye kula kulmay wafdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (Haleel) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta/SHALAY kulliyadda Jeneraal Kaahiye kula kulmay wafdi

saraakiil ka socotay Ciidamada Karabinyeeriga ee Dalka Talyaaniga, kuwaasoo fariin ka siday Taliyaha Guud ee ciidamadaas.

Saraakiisha uu taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud la kulmay ayaa kala ahaa Col. Carabinieri Mauro Isidori, Comandante Miadit 7, . Lt. Colonnello Carabinieri Giorgio Romano, La Taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska, kana mid ah wafdiga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Col. Carlo Emiliani, u qaybsanaha Arrimaha Ciidamada ee Soomaaliya.

Dhanka ciidanka booliska shirkaasi waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Akaadeemiyada iyo Saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Col. Muro waxa ay is dhaafsadeen hadiyado ka kala turjumaya astaamaha labada ciidan.

Dawladda Talyaaniga ayaa beryahaan dambe tababbaro kala duwan u fidineysey Booliiska Soomaaliyeed, waxaana muuqata inay ciidanka Booliska ay aad iyo aad uga faa’iideysan doonaan tababarradaan is daba joogga ah ee ay ciidankan siiyaan ciidanka booliska Soomaaliya.

Kulanka Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed uu la qaadanayo saraakishan ayaa ah kuwa lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac iyo sidii ay u joogteyn lahaayeen sare u qaadidda iyo tababarsiinta ciidanka booliska Soomaaliya.



Warkan waxaa qoray warbaahinta dawladda federaalka soomaaliya leedahay, balse waxaa jiray in madaxweynihii hore ee xasan sheekh maxamuud uu saxeexay heshiis saldhig miletari oo aafo daran u horseedi doona shacabka soomaaliya ee xamar taabacsan, waxaana laga saxeexay Madaxweyne xasan sheekh maxamuud in aan shaqaale soomaali ah oo fadhiisan kara ama geli kara ama nadiifin kara ama u soo dhawaan kara saldhigaasi aanu jiri doonin waxaana laga sameeyay muuqaal ku faafay baraha bulshada sida facebook.