Xisbi Dalka Norway Caan Ka Ah Oo Codsaday In Dhalashada Lagala Noqdo Ra'iisal Wasaaraha Cusub Ee Federaalka Soomaaliya Iyo Tv Yada Norway Oo Qaada Dhigaya

0
24 February 2017 15:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbi Dalka Norway Caan Ka Ah Oo Codsaday In Dhalashada Lagala Noqdo Ra'iisal Wasaaraha Cusub Ee Federaalka Soomaaliya Iyo Tv Yada Norway Oo Qaada Dhigaya

    Oslo (Haleel)-FRP oo ah Xisbi ka jira dalka Norway ayaa ku baaqay indhalashada lagala laabto Xasan Cali Kheyre oo Shalay Ra'iisul Wasaaraha cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oslo (Haleel)-FRP oo ah Xisbi ka jira dalka Norway ayaa ku baaqay indhalashada lagala laabto Xasan Cali Kheyre oo Shalay Ra'iisul Wasaaraha cusub

 Ee Soomaaliya u Magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Afhayeen u hadlay Xisbiga FRP oo lagu magacaabo Mazyar Keshvari ayaa sheegay in aan loo baahneyn qof xil ka qabta dal kale uu heysto labo dhalasho.

Waxaa uu sheegay in tani dhibaato tahay Mr Xasan Cali Kheyre inuu heysto labo dhalasho, sidaas darteed loo baahan yahay in dhalashada lagala laabti

"Marka qof loo magacaabo Xildhibaan iyo xitaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, waa in aynu ka fikirno, inay yihiin muwaadiniin Soomaali ah, ma ahan qof Ra’iisul Wasaare ka ah dal inuu labo dhalasho kala duwan uu yeesho”ayuu yiri Keshvari

Warbaahinta Norway ayaa tan iyo markii shalay la magacaabay Mr Kheyre waxay ka hadlayeen taariikhdiisa iyo intii uu dalkaas ku sugnaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isna heysta dhalashada dalka Norway, balse marna xisbiyada dalkaas ma soo hadal qaadin tan iyo markii xilka Guddoonka Baarlamanaka loo qabtay afar sano ka hor.

Xasan Cali Kheyre ayaa Norway tagay dhamaadkii sanadkii 1980, halkaasoo uu Jaamacad kaga baxay, sidoo kalena madax ka noqday Hey’ad Qaxootiga qaabilsan oo laga lee yahay Dalka Norway Taas oo lagu Magacaabo Norwegian Refugee Council (NRC).