Xaaska Madaxweyne Mugabe oo ka Digtay afgembi ka dhaca Waddanka Zimbabwe Ee Uu Odeygeedu Ka Taliyo [SECRET]

0
07 October 2017 11:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 26
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Madaxweyne Mugabe oo ka Digtay afgembi ka dhaca Waddanka Zimbabwe Ee Uu Odeygeedu Ka Taliyo [SECRET]

    Xaaska Madaxweyne Mugabe oo ka Digtay afgembi ka dhaca Waddanka Zimbabwe Ee Uu Odeygeedu Ka Taliyo [SECRET]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaska Madaxweyne Mugabe oo ka Digtay afgembi ka dhaca Waddanka Zimbabwe Ee Uu Odeygeedu Ka Taliyo [SECRET]



Marwada kowaad ee dalak Zimbabwe Grace Mugabe ayaa ka digtay afgembi ay suuragal tahay in uu dalkaasi ka dhaco xilli uu sii kordhayo hardanka loogu jiro ciddii badali lahayd seygeeda.




Waxa ay sheegtay in madaxwayna ku xigeenka dalkaasi Emmerson Mnangagwa uu u hanjabayo dadka aan teegeerin in uu isagu badalo madaxwayne Robert Mugabe,oo 93 jir ah.

Mrs Grace Mugabe ayaa qudheeda ka mid ah dadka u xusulduubaya in ay badalaan Mugabe.

Mr Mnangagwa oo ah madaxwayna ku xigeenka Zimbabwe ayaa isagana ku dadaalaya sidii uu u badali lahaa madaxwayne Mugabe.

Loollanka loogu jiro cidda badalaysa madaxwayne Robert Mugabe ayaa waxa ku kala qaybsamay xubnaha xisbiga talada dalkaasi haya ee Zanu-PF.

Murankan cusub ayaa imaanaya ka dib markii Mr Mnangagwa uu ku andacooday bishii August in la sumeeyay.

Tageerayaashiisa ayaa waxay sheegeen in dad ka soo horjeeda oo xisbiga Zanu-PF ka mid ah ay ka dambeeyeen dhacdadani.

Madaxwayne Mugabe ayaa iska fogeeyay arrinta ku saabsan in la sumeeyay ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa.

Mr Mnangagwa ayaa xanuun ku soo booday xilli uu ka qaybgalayay isu soo bax siyaasadeed oo uu horkacayay madaxwayne Mugabe bishii August,waxaana loola cararay dalka Koonfur Afrika oo lagu soo daweeyay.

Emmerson Mnangagwa ayaa warbaahinta gudaha Zimbabwe u sheegay in uu daacad u sii ahaan doono madaxwyne Mugabe.

Mrs Grace Mugabe ayaa sheegtay in ay jiraan hanjabaado loo gaysto dadka qaar.

"Habeen iyo maalin ayaa noogula hanjabaa in nala dilayo haddi qof gaar ah uusan noqon madaxwaynaha,"ayay tiri mrs Grace.

"Uma hogaansami doono cadaadiskaas ,waxaa dhici doona afgembi balse ma jirto cid ku aqoonsan doonta,midowga afrika kuma aqoonsan doonaan oo ururka SADC kuma aqoonsan doonaan "ayay intaa ku dartay.